Booliska Hindiya ayaa xabsiga u taxaabay Nin xaaskiisa u dilay cuntada oo ay Ku badisay cusbada
Sarkaal boolis ah oo lagu magacaabo Milind Desai ayaa BBC-da u sheegay: “in Nikesh Gag, oo ka mid ah shaqaalaha bangiga Thane, oo ku yaalla magaalada Mumbai ee galbeedka Hindiya, uu caro darteed u ceenjiyay xaaskiisa Nirmala oo 40 jir ah ka dib markii ay cusbo ku badisay cuntada.
Eedeysanaha ayaa markii dambe isku soo dhiibay Saldhigga Boliska, wuxuuna Booliska u sheegay inuu qabo Xanuunka Dhiig-karka.
Qoyska gabadha ayaa booliiska u sheegay in eedeysanaha iyo xaaskiisa ay muddo ka doodayeen “arrimaha qoyskooda”.
Desai ayaa tilmaantay in booliisku aysan wax cabasho ah ka helin dhibbanaha ama qoyskeeda inta lagu guda jiro arrintan.
BBC