Daawo: Lionel Messi, Pique Iyo Alba Oo Kusoo Baxay Liiska 19-ka Ciyaartoy Ee Ernesto Valverde U Xushay Kulanka Real Sociedad
Tababaraha kooxda kubadda Cagta Barcelona, Ernesto Valverde ayaa ku dhawaaqay liiska Xiddigaha uu u xushay inay u metalaan kulankii ay Shalay la yeesheen Real Sociedad.
Barcelona oo kulankii siddeedaad oo xidhiidh ah guul helaysa haddii ay ka badiso Sociead, ayaa waxay Garoonka Reale Arena marti ugu noqonaysaa Sociedad oo ku jirta waqti wanaagsan, isla markaana fadhida kaalinta afraad ee horyaalka LaLiga.
Lionel Messi iyo Gerard Pique oo aan lagu darin ciyaartoygii Barcelona ee lasoo ciyaaray Inter Milan badhtamihii toddobaadkii hore, ayaa kusoo laabtay liiska laacibiinta u safartay Sociedad, waxaana wehelinaya Nelson Semedo iyo Jordi Alba oo kasoo laabtay dhaawacyo ay muddo bil ah ku maqnaayeen.
Tababare Valverde waxa kale oo uu u yeedhay Sergi Roberto oo laga saaray liiskii u safray magaalada Milan, waxaase aan ciyaarta maanta taam u ahayn Arthur Melo oo aan kasoo kabnin dhaawac fudud oo jug ah oo soo gaadhay iyo Ausmane Dembele.
Liiska 19-ka ciyaartoy ee tababare Valverde ula safray Sociedad
Goalkeepers: Marc-Andre ter Stegen, Neto.
Defenders: Nelson Semedo, Gerard Pique, Jean-Clair Todibo, Clement Lenglet, Jordi Alba, Samuel Umtiti.
Midfielders: Ivan Rakitic, Sergio Busquets, Carles Alena, Sergi Roberto, Frenkie de Jong, Arturo Vidal.
Forwards: Luis Suarez, Lionel Messi, Antoine Griezmann, Carles Perez, Ansu Fati