Wadahadallada u socda Ruushka iyo Ukraine Oo qarka u saaran in ay burburaan

Wadahadallada u socda Dowladaha Ruushka iyo Ukraine ayaa qarka u saaran in ay burburaan kaddib markii dagaalka labada dal uu xooggeystay sida ay sheegeen saraakiil ku dhaw wada-xaajoodkaan loogu kala dab qaadayo Moscow iyo Kyiv.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ruushka Sergey Lavrov ayaa sheegay in Cunaqabateynta waddamada xulufada la ah Ukraine ay kusoo rogeen dalkiisa in ay dhalin karto in uu sii socdo dagaalka labada dal.

Waxa uu ka digay hubka lagu daadgureynayo Ukraine si ay ugu adeegsato Dagaalka ka dhanka ah Ciidamada Dalkiisa, Xukuumadda Moscow ayaa ku hanjabtay in ay kahortagi doonto tallaabo weliba hub lagu gaarsiinayo Kyiv.

Saraakiil katirsan Dowladda Ukraine ayaa sheegay in Sabtidii iska caabbin xooggan ay kala hortageen Ciidanka Ruushka ee Duullaanka dalkaas, waxa ay ku faaneen in ay hakiyeen awoodda ciidankaas isku fidinayay Koofurta & Bariga Dalkaas.

Ruushka ayaa kordhiyay goobo bartilmaameed u ah oo uu u arko in laga abaabulayo dagaalka iska caabbinta ah, Xukuumadda Kyiv ayaa dhiggeeda Moscow ku eedeysay beegsiga goobo ay ku sugan yihiin Rayid, burburinta Magaalooyin iyo meelaha gabbaadka u ah shacabka.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy oo 24kii saac mar la hadla shacabkiisa ayaa Ruushka ku eedeeyay in uu dhibaatooyin xooggan ka geystay dalkiisa, markale waxa uu shacabka ugu baaqay in ay u istaagaan difaaca dalkooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker