Dawladda Kenya oo sheegtay inay Somaliland ula Macaamilayso sidii ay Ula Macaamili jirtay Dawladda Koonfurta Suudaan intii aan La Aqoonsan

Nairobi (OWN) –Kadib qoraalkii muranka dhaliyey, dowladda Kenya ayaa go’aan cad kasoo saartey mowqifkeeda ku wajahan Somaliland oo ay Xidhiidh  la yeelaneysay mudooyinkii u dambeeyay.

War kooban oo isbuucii hore lagu daabacay barta Twitter-ka ee wasaarada arrimaha dibada Kenya  ayaa Somaliland ku Sheegtay “dal” taasoo muran xoogan dhalisay.

 

Monica Juma, wasiirka arrimaha dibadda wadanka Kenya oo arrintan waxay tidhi: “Mowqifkeena ku aadan Somaliland waxa uu lamid yahay midka Midowga Afrika. Waxa aanu xishmeynayaa xuduudaha Afrika sida ku xusan heshiiskii AU-da ee sanadkii 1964-tii”.

 

 

Xukuumada Muqdisho wali kama aysan fal-celin talaabada ay Kenya ku dhaqaaqdey ee ah “wadanka”

.Hasa ahaatee, Mr Juma oo hadalkeeda sii wadata ayaa intaasi raacisay:

 

“Waxa aan dano ka leenahay dalal, ka hor inta aysan noqon wadamo madax banaan sida Suudaanta Koonfureed oo aan ku lahayn wakiilo, dalal badan ayaan wakiilo ku leenahay, dal noocaasi ah ayaanu nahay. Taasi ma waxay ka dhigan tahay in aanan la macaamilin dadka, waan la macaamileynaa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker