Musuqmaasuq Xadhkaha Goostay Oo Ka Jira Wasaarada Warfaafinta JSL
Waaxaa maanta qaar ka kid ah warbaahinta ay faafiyeen qoraal la sheegay inuu kasoo baxay fanaanada Sahra Ileys oo ka hadlaysay musuq maasuq ka jira wasaarada warfaafinta Somaliland oo ay ku keceen masuuliyiinta wasaaradda Wasiir Saleebaan Cali Koore iyo agaasimaha Maxamed Yuusuf .
Waxaana la sheegay in isla maanta Masuuliyiinta wasaaradda Culays ku saareen Fanaanadda Sahra Ileys inay wax ka tidhaahdo qoraalkaas kasoo baxay , laakiin Shaki kuma jiro in wasaaradda Warfaafinta JSL muqusmaasuq baahsan ka jiro arintan markii hore ay ogaayeen shaqaalaha kala duwan ee wasaaraddaaas , sanadadkana dibedda usoo baxay, iyadoo qoraalkan laga baahiyey fanaanadda noqonaya mid ka mid ah musuqmaasuqa ka jira wasaaradda , laakiin ay maalinba maalinta ka danbaysa soo baxayaan musuqmaasuqa baahsan ay gacmaha kula jiraan masuuliyiinta wasaaradaas.
Warbaahinta kala duwan ayaa sanadkan oo dhan soo bandhigayey muuqaalo iyo qoraalo kala duwan ay ku iftiiminayeeen musuqmaasuqa ka jira wasaaradda warfaafinta somaliland,
Qoraalkii laga baahiyey ee Fanaanadda Sahra Ileys ayaa u dhignaa sidan :-
“wasaarada warfaafinta Somaliland haddii lays barbar dhigo xiligii wasiir Guribarwaaqo iyo hadda oo uu Wasiir ka yahay Saleebaan Cali Koore agaasimena uu ka yahay Maxamed Yuusuf hantida la lunsaday iyo musuq maasuqu hadda ayey yihiin qaar xadhkaha goostay.
waxa la yidhi mayd maxaa u danbeeyey iyo kaa hadda la sii sido, barnaamijka kobci garaadkaaga oo ay maalgeliso shirkada Telesom lacagtii laga qaaday waxa intii badnayd kala goostay madaxda wasaarada oo ay ugu horeeyaan Wasiir Koore iyo agaasimaha guud Maxamed Yuusuf”