Nuxurka uu Daarana Kulan Wasiirka Arimah Gudaha Somaliland la Yeeshay Xubnaha Golaha Deeganka Hargeysa
Hargeysa (OWN) Kulankan waxaa diirada lagu saaray dardar gelinta wejiga labaad ee Suuqa Waaheen, iyada oo la bilaabayo Nadiifinta Suuqa iyo socodsiinta hawlaha kale ee baahaxada leh, taasoo ay ku jirto naqshadaynta Suuqa Waaheen, kaasoo loo xilsaaray Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta Jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiirka ayaa ka waramay in dhibaatada ka dhacday Suuqa Waaheen ay tahay masuuliyad Wadareed wada saaraan Xukuumadda, Dawladda Hoose iyo shacabka Somaliland, waxaa keli ah ee lagaga bixi karaana ay tahay midnimo iyo isku duubni,iyada oo aan la is eedaynayn, cid gaarina aanay qaadanayn masuuliyada.
Wasiirka ayaa Xildhibaanada u sheegay in ay hawshan si dhow uga wada shaqaynayaan Dawladda Hoose, Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Golaha Degaanka ee Caasimada Hargeysa, waxaa hogaaminayey Maayor Caasimada Cabdikariim Axmed Mooge oo ay wehelinayeen Maayor Ku xigeenka iyo Xogyaha Fulinta ee Dawladda Hoose.
Dhinaca kale waxaa kulankan Wasiirka kala qayb galay Wasiir Kuxigeenka Maamulka Gobolada iyo Dawladaha Hoose Naasir Caydiid Maxamed, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Cabdirashiid Xirsi Cali, Agaasimaha Guud ee Amniga Ibraahim Cali Ismaaciil, Badhasaabka Gobolka Maroodi Jeex Maxamed Cilmi iyo Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Arimaha Gudaha.
Kulamo lagu dardar gelinayo Nadiifiinta iyo naqshadeynta Suuqa Waaheen ayaa sii socon doona.