Ayaan Macallin: “Dad badan ayaa i soo wacay oo i casuumay, Insha’Allah waxan rajaynayaa in aan imaado Hargeysa.”

Ayaan Macallin: “Dad badan ayaa i soo wacay oo i casuumay, Insha’Allah waxan rajaynayaa in aan imaado Hargeysa. Qalbiga ayaan idinka soo Salaamay.”

Ayaan, saddex maalmood ka hor ayaan kula kulmay badhtamaha magaalada Oslo, iyadoo qayb ka ahayd hawlgal lacag loogu ururinayo suuqii gubtay ee Waaheen, Hargeysa iyo dadkii ku hanti beelay. Waxa dad badan taabtay, hadalkan ay kaga jawaabtay weydiin aan weydiiyey: “Anigu Hargeysa ka ma soo jeedo, oo waxaan ka imi gobol la yidhaahdo Gedo. Hargeysa weligay ma arkin oo Burco ma arkin, laakiin isku dhiig ayaanu nahay oo isku mid ayaanu nahay! Dareenka isoo kiciyey waxa weeye, in aan walaalahay u muujiyo garabistaag,” ayey tidhi Ayaan Macallin.

Ayaan Macallin, mar kale ayaan shalay is la goobtii (badhtamaha Oslo) kula kulmay, iyada oo ku hawllan lacag ururintii. Waxaan ku wargeliyey in aniga oo ka wakiil ah dad badan oo reer Somaliland ah, aan u wado mahacelin iyo in waddankii laga sugayo. Markii ay iga guddoontay ayey ii sheegtay in ay dad badani la soo xidhiidheen oo muuqaalkii hore ee aan ka duubay daawaday ay na ku xujeeyeen in ay Hargeysa timaado, waa na ay aqbashay martiqaadka oo qorshaha ayey ku darsatay.

Anigu na, Ayaan, maadaama oo ay tahay qof qoomiya, oo Soomaalinimadu ku weyn tahay, waxaan ku maamusay oo aan guddoonsiiyey buuggii “Hogatuska Nolosha” ee aan abwaan Hadraawi ka qoray, oo iila muuqday waxa ugu muhiimsan ee aan u hibayn karo.

Ayaan, marka ay ka sheekaynayso dabkii burburiyey Waaheen ee dadku na ku hanti beeleen, indhaheeda Ilamada ayaa isku soo taagaysa. Dhacdoodinka qalbigeeda taabtay, ayaa mar ay ka hadlaysay waxa ay tidhi: “Anigu qurbaha ayaan ku koray, waddankii weli ma tegin oo maan noqon. Dhaqamada waddankan (Norway) ayaa xoog iigu badan, oo waddankeennii wax badan waan Illaabay. Waxaan la yaabay, qof wixii uu hasytay ba gubteen oo hadda na leh ‘Alxamdullilaah’, kelmaddii i damaqday taa weeye. Nin baa waxa uu yidhi ‘Salaad shukri ayaan tukaday’ wax alla waxa uu haystay na way gubteen. Dadkaa samirkoodu waa wax cajiib ah.”

Waxaa waraysigaas

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker