” Nin Dadkiisa Iyo Cadawgiisa Iska Wada Celiyaa Ma jiro Ee Haloogu Dhaarto Muuse Biixi”
” NIN DADKIISA IYO CADAWGIISA ISKA WADA CELIYAA MA JIRO EE HA LOOGU DHAARTO MUUSE: W/Q Muj. Cali Guray.

Muuse taa ma jecla ee waxa kala wayn in uu Faysal iska celiyo. Hadii aanay sidaa ahayn Muuse wuxu karayay in uu isugu yeedho hogaamiyayaasha mucaaridkiisa uu ku yidhaa “ walaalayaal dee waa og tihiin masiibada inagu dhacday. Si aynu uga soo kabano waxa loo baahan yahay in aynu u midawno dhamaanteen muxaafid iyo mucaarid. Waxaynu isku haynaa waa siyaasad masiibada inagu dhacdayna way inagu wada dhacday ee yaan la siyaasadayn. Faysal iyo Cirro kii ku diidaaba isaga ayuun baa ku dhib qabi lahaa waxanu lumin taageerada in badan oo shacbiga Hargeysa ah
Hadda hadalkaygan waan ogahay oo Muuse u qaadan maayo nasteex balse waa sida aan anigu u idhi ee maaha sida uu isagu u fahmo. Anigu waxan ka talinayaa uun danta dadkayga iyo dalkayga qof walba ha u qaato sida uu u qaadanayo”
Siyaasi Cali Guray