Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay dab qabsaday Jiingad ku taala xaafada State House-ka ee magaalada Hargeysa
Ciidanka Dab-demiska caasimada Hargeysa ayaa maanta duhurkii damiyay dab qabsaday Jiingad ku taala xaafada Istaad hawska magaalada Hargeysa ( State House ).
Ciidamada ayaa isla markiiba goobta ku gaadhay afar gaadhi oo Dab-demis ah, waxaana ciidamadu dabkaa ku xakameeyeen halkii uu ka bilaabmay.
Ma jirin dhaawac iyo dhimasho dabkaasi sababay. Sidoo kale ciidanka Dab-demiska ayaa mulkiihii gurigaa lahaa ku wareejiyay qaddar lacaga oo guriga gubanayay laga soo saaray.
Sababta dabkan dhalisay waxaa gacanta ku haya ciidamada Booliska caasimada Hargeysa, ciidanka Booliska ayaa hawlgalkan kala shaqeeyay ciidamada Dab-demiska dhanka sugida amniga.
Waddooyinka xaafada State house ka ayaa kuwo cidhiidhi ah, ayna adagtahay in gaadiidka Ciidanka Dab-demisku si fudud ugu gurman karaan.