Dakhliga Gudaha ee Degmo Waliba soo urursato, Iyo Dakhliga Dawladda Dhexe ku celiso,
Xogtani waxay soo koobaysaa degmo waliba cashuurta ay soo urursato iyo lacagta dawlada dhexe ku celiso, tusaale 2020 Hargeisi waxay soo urursatay cashuur u dhiganta 16.5 Million USD, dawlada dhexana waxay ku celisay 1.7 million USD, halka Berbera oo gabigeeduba soo urursatay 1.3 Million USD, dawlada dhexe siisay 12.4 million USD, waxa haddaba is waydiin mudan Hargeisa oo ay ku nool yihiin cashuur bixiyeyaasha ugu badan maxaa 1.7 million USD loogu qoondeeyay, Berberana 12.4 Miillion USD?
Waxa kale oo xusid mudan magaaloba magaalada ay ka dad badan tahay adeegyada Caafimaad, Waxbarasho, Jidad, Biyo iyo Laydh ee ay u baahan tahay waa ka badan yihiin magaalada ka dad yar, markaa ma waxay ahayd in magaalada dadka badan Kabka iyo Kaalmada dawladu ku celiso looga badiyo mise in looga yareeyo?
Waxa kale oo caqliga caadiga ahi is waydiinayaa lacagta intaa leeg ee Berbera la siiyo wax ma loogu qabtaa? Jawaabta idinka ayaan idiin daynayaa.
Waxa noocasa waxa jidaynaya Xeer 23/2019.
Dakhliga Gudaha ee Degmo Waliba soo urursato:
1. Hargeysa – $16.5 million
2. Burco – $3.9 million
3. Borama – $2.9 million
4. Berbera – $1.3 million
5. Laascaanood – $800,935 kun
6. Gabiley – $331,662 kun
Dakhliga Dawladda Dhexe ku celiso, iyo sida ay u kale badsadaan:
1. Berbera – $12.4 million
2. Gabiley – $4.9 million
3. Hargeysa – $1.7 million
4. Borama – $1.5 million
6. Laascaanood – $1.4 million
6. Burco – $1.4 million
7. Ceerigaabo – $1.37 million
Xeerkan waa khasab in KAABIS iyo wax ka BADAL lagu sameeyo oo cadaalada la wafaajiyo.
Waxa Qoray Axmed Maxamed