Qaramada Midoobay Oo Koox Khubaro Ah U Soo Dirtay Suuqa Hargeysa, Si Ay Qiimeyn ugu Sameeyaan

Qaramada Midoobay oo ka jawaabeysa codsiga kasoo yeedhay Somaliland ayaa wefdi culus u dirtay magaalada Hargeysa oo todobaadkan uu ka kacay dab xoogan oo baabi’iyey dhismaha suuqa weyn ee Waaheen oo ku yaalla bartamaha magaaladaas.

Xubno ka socda QM ayaa ka degay garoonka diyaaradaha Hargeysa, si ay u soo qiimeeyaan baaxadda waxyeelada ka dhalatay dabkaasi oo ay ku hanti beeleen ganacsato fara badan.

Ujeedka wafdigan ayaa sidoo kale ah sidii Qaramada Midoobay ay qayb uga noqon laheyd dib u dhiska suuqaas oo gabi ahaan burburay.

“Koox ka socota hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa shalay gaadhay magaalada Hargeysa si ay qiimeyn ugu sameeyaan waxa loo baahan yahay si looga qayb qaato dib u dhiska suuqa weyn ee magaalada ka dib dab khasaare gaystay oo todobaadkii hore ka kaca,” ayaa lagu yidhi qoraal kooban oo kasoo baxay xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker