“Maxamuud Xaashi waxan leeyahay adigu caloosha. …” Siyaasi Cali Guray

“Maxamuud waxan leeyahay ururadu way furan yihiin muxaafid iyo mucaarid midna lagama baryayo eh adigu caloosha u raarid in; Xeer ahaan, Xilli ahaan, iyo welba farsamo ahaan aanay suurogal ahayn doorasho sadexdan xisbi iyo ururo siyaasadeed ay ku tartami karaan inta ka horaysa Doorashada Madaxtooyada ee 13 November 2022. Waa hadii ay tahay doorasho sharci ah oo Komishanka Doorashadu uu qabanayo.
Hadii kale anigu maan sheegin ee adiga ayay ahayd in aad dadka u jilcisid goorta la qabanayo, cidda qabanaysa, iyo xisbiyada diyaarka u ah. Hadii kale wax cusub maad sheegin ee labada doorasho sida ay u kala horeeyaan ayuun baa loo kala qaban oo waa la og yahay ta soo horaysaa in ay tahay Doorashada Madaxtooyada ee dastuuriga ah. Wixii kaleba waa in la abuuro khilaaf siyaasadeed iyo muran sharci oo aan la garan karin halka la iskala soo dhici doono marka sharciga dibadiisa la isku qabsado. “
Siyaasi Cali Guray

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker