Hargeysa: Qof ku geeriyooday Mid kamida Godad ka lagu Aaso Haamaha Shidaalka

Cali Cabdi Jaamac oo 60 jir ahaa, ayaa ku geeriyooday goob laga qodayay god lagu aaso haan shidaal, oo ku taala degmada Ibraahin Koodbuur ee magaalada Hargaysa, sida lagu baahiyay boga Facebook-ga ee Ciidanka Dab-damiska Somaliland.

“Alle haw naxariistee nin ayaa ku dhintay goob laga qodayay God loogu talagalay in lagu aaso haanta Shidaalka oo ku taala xaafada Sheedaha ee degmadaIbraahim Koodbuur, Ciidanka Dab-demiska Hargeysa ayaa abaaro 4:00 galabnimo goobtaas gaadhay, waxaana ciidamadu Maydkii ka soo saareen godka.

Ciidanka Booliska gaar ahaan qaybta Dambi baadhista ayaa maydka la wareegay, baadhisna ku wada sababta dhimashada.

Marxuumka ayaa magaciisu ahaa Cali Cabdi Jaamac , qiyaas ahaan da’adiisuna ahayd ilaa 60 Jir. “

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker