Warar Sheegaya In Madaxweyne Biixi Uu Isku Shaandhayn Samaynayo

Warar hordhac ah oo ka soo baxaya isku shaandhaynta uu madaxweynuhu damacsan yahay ayaa sheegaya in xubnaha cusub ee uu xukuumadiisa ku soo darayo ay ku jiraan Amb Baashe Cawil oo noqonaya wasiirka arimaha dibada iyo Maxamed Nuur Caraale(Duur) oo wasiirka warfaafinta noqonaya.

Xubnaha uu ka bedelayo hay’addaha ay joogaan ayey wararku sheegayaan inay ka mid yihiin Saleebaan Cali Koore oo noqonaya wasiirka xanaanada xoolaha, wasaarada duulista oo la soo kordhinayo ayuu Cali Mareexaan wasiir ka noqonayaa, Ciise Kayd ayaa noqonaya wasiirka Biyaha, Yurub Abiib ayaa noqonaysa wasiir ku xigeenka arimaha debada iyo Tiimbaro oo badhasaabnimada uga soo dalacaya Wasiir ku xigeenka xanaanada xoolaha

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka Cabdirisaaq Ataash oo urur siyaasadeed cusub ku dhawaaqayaa ayaa isagana laga aqbalayaa iscasilaad uu gudbiyey, waxaana booskiisa loo magacaabayaa masuul cusub.

Sidoo kale waxa jiri Kara Masuuliyiin aynaan xusin oo laga qaadi karo xilalka ay hayaan iyo xubno ku soo bixi Kara isku shaandhaynta.

Wariye Abdirizak Goud Nour

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker