” Madaxweyne Biixi Haku Dayan Keligii Taliyaha Arxanka Darran Ee Kuuriyadda Waqooyi”

Guddooomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku daydo digtayrka Kim Jong-un ee xukuma dalka Kuuriyadda waqooyi iyo weliba kelikood taliyayaal kale,kuwaas oo uu sheegay inuu isku eegaysiiyo,isla markaana uu sameeyo ficiladooda oo kale.

Faysal Cali Waraabe oo arrintaas ka hadlay ayaa yidhi sidan:-“Madaxweynaha waan arkayey inuu sidii Taliyihii ciidamada Maraykanka ee dagaalkii labaad markii uu guusha gaadhay inuu gaadhi madaxa kale soo baxay waan arkayey,waxa kale oo aan arkayey inuu sidii Madaxweynihii waqooyiga kuuriya la daba ordayey oo ay illaaladiisu daba ordayeen,intaas oo Madaxweyne iyo qaar kaleba sifooyinkiisii wuu leeyahay Muuse Biixi .”ayuu yidhi

Guddoomiye Faysal ayaa Madaxweyne Biixi ugu baaqay in uu sharciga dalka ilaaliy,isla markaana uu doorashada Madaxtooyadda ku qabto wakhtigeedii ,waxaanu uga digay in aanu dumin Somaliland “iftiinkaa baxay iyo rejadaa muuqata waxay ku xidhan tahay kolba sida uu guddaheenu yahay ,haddii aynu tafaraaruq keeno, haddii aynu is xamili weyno ,haddii aynu sharci ku socon weyno iyo haddii aynu nidhaah qof walba waxa uu doonno ayuu sameynayaa oo nabad gelyadu xumaato, dadkaas iyo deeq-daa inoo soo socotaana wey iska socon doontaa .”ayuu yidhi

Isagoo intaas ku sii darray “Waxaan leeyahay dalkan sharci ku soco oo doorashadii Madaxweynaha qabo yaanu damacaagu nabad-gelyadda aynu haysano iyo khayrkaa soo socda yaanu inaga baabiinin ayaanu ku leenahay”

Geesta kalene Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in aanay marnaba ka yeellayn Madaxweyne Biixi sharci darro iyo waxaan suurtagal ahayn ,waxaanu uga digay inuu ku kaco ficilo dalkan u horseedaya burbur “Waxaan suurtagal ahayn oo aan na marayn oo aan soconayn oo u keeni doonna Somaliland dhibaato haku dhaqaaqin, sharci ayeynu ku kale soconaa ,sharciga ayaa lagu heshiiyey sharciga ku soco ayaan ku leeyahay ,haddii aad sharci ku socon weydid wax ina kale qabanayaa ma jiro .”

Gunaanadkii Guddoomiye Faysal Cali Waaraabe ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu raaco jidkii Madaxweynayaashii hore ee Somaliland “Dalkan nabad ayaa lagu haystaa Madaxweynayaashii addiga kaa sii horeeyey waxay ka tageen dhaxal taariikhi ah oo laggu xusuusto oo doorashooyin ayey qabteen nabad gelyo ah, murran baddani ma jirin ,maanta waddadoodii mar ayaan ku leeyahay .”ayuu yidhi .

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker