Ciidanka Booliska JSL Oo Shacabka Uga Digay Faafinta Wararka Been Abuurka Ah Ee Laga Fiddiyo Amaanka Dalka.
Taliska Guud Ee Ciidanka Booliska Ee JSL, Ayaa Shacabka Reer Somaliland Uga Digay Faafinta Wararka Been Abuurka Ah Ee Laga Fiddiyo Xaaladda Guud Ee Amaanka Dalka.
Qoraal kooban Oo Kasoo Baxay TALISka Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Ayaa Lagu Sheegay In Xaaladda Amniga Guud Ee Dalku Wanaagsan Tahay, Isla-markaana Ay Ciidamadda Kala Duwan Ee Dalku, Gaar Ahaan Ciidanka Boolisku Heegan Buuxa Ugu Jiraan Mar Kasta Sugidda Nabad-galiyadda Dalka.
Qoraal kooban Oo Kasoo Baxay TALISka Guud Ee Ciidanka Booliska Somaliland, Isla-markaana Uu TALISku Kaga Hadlay Xaaladda Amniga Dalka, Wuxuu U Dhignaa Siddan “Mudooyinkii u Dambeeyay waxa baraha Bulshada (Socail Media) ku faafaayay Warar Been abuur ah kaas oo wax lagaga sheegaayay Xaalad Amaan Daro oo ku soo fool leh Somaliland.
Hadaba Guud ahaan Xaalada Nabad galyo Ee Somaliland waa Nabad waana ILAAHAY MAHADII ka sokow waxa gacanta ku haya Ciidanamada Kala duwan Ee Somalilnad Siiba Ciidanka Booliska, Oo sidii awalba ay heegaka buuxa ugu jiraan Imikana ugu jira.
Waxaanan uga digaynaa cid kasta oo Social media ku fidinasa oo buunbuunisa wararkaa Cadowga in ay ka waantoobaan.
Shacabka Somaliland waxaan u sheegaynaa in aan Dheg Jalaq loo siin Dadka ku foogan beenaha aan salk iyo raadka lahayn ee la iska dhex qaadaayo”.