BAL AMUURTAN KAALAYA! Qalinka: Aadan weli

Sawirkan waxan qaaday shalay, wadadani waa jidka cusub ee Goolada Safaari (Jigjiga Yar). Waa wado balaadhan oo si fiican loo sameeyay.
Calaamadaha waddooyinka waxa loo yaqaanaa ” Road Furniture” micnaha firnijarka jidadka. Waxay qabtaan laba shay: mar waxay kala duwaan gaadiidka marna waxay calaamadiyaan jidka si loo kordhiyo bilicda iyo badbaadada gaadiidka iyo dadka.
Hadaba markaan arkay jidkan sida fiican loo sameeyay ee hadana sidan loogu ciyaaray waxan is waydiiyay arrimahan:
1. Tolow miyaan qandaraas lagu siin shirkad?
2. Ma cid baa tababar lagu siinayay?
3. Miyaan wax daba-gal ahi jirin (supervision)
Bal waxad eegtaa sawirka ay siinayso qofka Ajanebiga ah ee waxan arka sow odhan maayo kuwa calaamadaha jidka samaysan kari waayay khayr kama soo jeedo. Waar dalka aan ilaashano oo kolay dadka waxan wadadada ku xarxariiqay ma aha maxaabiis bilaash ku shaqaynaysee ha lala xisaabtamo.
Somaliland Guul !!!
Twitter: @aadanweli

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker