Kooxda Xuutiyiinta Yemen oo Weeraro Cirka Ah Ku Qaaday Xarun shidaal Oo Ku Taal Sacuudiga

Kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaalanta dalka Yemen ayaa weerar loo adeegsado diyaarado nooca aan duuliyaha laheyn ku qaaday xarun shidaalka dalkaasi lagu keydiyo oo kutaala magaalada Jidah.

Dab xoogan iyo qiiq madow ayaa la arkayay oo ka baxaya goobta ay weerareen kooxda Xuutiyiinta, warbaahinta Sacuudiga ayaana sheegay in gantaalo ku rarnaa diyaaradaha aan duuliyaha laheyn lagu weeraray xarunta keydka Shidaalka.

Kooxda Xuutiyiinta ayaa war ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in weerar ku qaadeen xarun lagu keydiyo shidaalka iyo Sacuudiga oo kutaala magaalada Jidah, waxa ayna sheegeen in weerarkaasi ka dhasheen khasaaro badan.

Afhayeenka milatariga Xuutiyiinta Yahya Sarea ayaa sheegay in kooxdooda ay gantaallo ku weerareen xarumaha Aramco iyo warshadaha Ras Tanura iyo Rabigh, waxa uuna sheegay in weerarkaasi u adeegsadeen diyaarado.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker