Haddii Daruuro la samaysan karo, Daruuraha Rabaaniga ah ma la kala Xadi karaa
Nin aqoonyahan ah baa markii koowaad keenay dood la xidhiidha Cimilada. Ninkani wuxuu sheegay in sababta roob la’aanta ay qayb ka tahay wuxuu ugu yeedhay (Xatooyo Roob). Yacnii daruurihii inoo di’i lahaa waa la xaday!
Inkastoo baahiyaheena ummad ahaan iyo barashadeena cilmigu ay yihiin kaaf iyo kala dheeri, hadana dooddan falcelinteedu waxay daaha ka qaaday heerka aynu taaganahay.
Dadka qalbiga ka fikiraa waxay markiiba kaga falceliyeen , “Subxaan Allaah bal eeg dambiga intaa le’eeg, ma maantuu keenay roobkii Illaahay baa la xaday!!”
Isla dadka qalbiga ka hadla kuwa kamid ahi waxay iyaguna kaga falceliyeen, “Inagoo awalba la xadayey khayraadkeeni, miyaa daruuriheenina lagu darsaday”
Inta tirada yar ee isku hawla inay ogaalkooda korodhsadaan markiiba waxay iswaydiiyeen Yaa xada? sidee loo xadaa iyo daruuraha ma la xadi karaa?
Waa maan gal in daruuraha la xado maadaama awood loo yeeshay in daruuro la curin karo dabadeed dhul oomane ah lagu biyeyn karo ama lagu qabowsan karo.
Dunidu waxay ku guulaystay samaynta daruuro gacan ku rimis ah kuwaasoo ay ka dhaliyaan Biyo roobaad. Inkastoo qiimaha biyahaas shubistoodu ku kacayo qiimo aad u adag, tusaale ahaan (Qiimaha jaban iyo kan qaaliga ah) halkii litir waxa uu u dhexeeya $27 ilaa $214. Waxayna ku kala qaalisan yihiin kolba tayada biyaha daruuraha la dhalinayo.
Daruuraha ma laxadi karaa? Intaynaan ka jawaabin bal aan eegno cida awood u leh kuwo inoo dhow iyo kuwa inaga fog.
Hindisihii koowaad wuxuu ka curtay imaaraatka dabayaaqadii sagaashaanaadkii, horaantii 2001, waxa bilaabantay hirgelintiisa taasoo heshiis buuxa kuwada galeen dawladdaha Maraykanka iyo Imaaraatka.
Afrika waddamada awoodda u leh daruuro abuurka (Cloud seeding) waxa kamid ah Chad, Burkina-faco, Gambia, Mali, Senegal iyo Mauritania.
Waddamadan kuma jiraan kuwa inala deriska ahi sidaasi darteed haddii Roob la xaday roobkeeni kuma maqna Kenya iyo Itoobbiya.
Roobka ma laxadi karaa?
Roobka waxaan shaki kujirin in lakala daadsan karo, waddamada awoodda u lihi waxay xiliga ay u baahdaan daadsan karaan daruuraha dulmaraya ama soconaya iyagoo adeegsanaya maadooyin ay kamid yihiin (Silver iodide) taasoo ay daruuraha ku sii daynayaan ka dibna sababaysa in degdeg daruurihii ugu da’aan.
Tolow taas ma la odhan karaa xatooyo daruureed?
Haa waa xatooyo roob oo cad. Dhammaad kii dagaalkii qaboobaa heshiisyadii lawada gaadhay waxa kamid ahaa inaan Daruuraha la kala leexsan/xadin. Heshiiskaa maraykanku si’uun buu uga baxay ka dib markuu imaaraatka ka iibiyey qalab iyo dayuurado kamid ah kuwa roobka leexiya.
Waxaa diyaariyey Cabdirisaaq Terra