Caruur isku qoys oo ku geeriyooday bam gacmeed ay ku ciyaarayeen

Wararka  ka imanaya Degaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud waxaa halkaasi uu ka dhacay qarax khasaaro u geestay Carruur isku qoys ah.

Qaraxa ayaa wararku sheegayaan inuu ka dhashay walxo aan qarxin carruurta ka soo qaadeen meel qashin ah kadibna la qaraxday kolkii ay garaaceen iyagoo ku ciyaaraya

Inta la xaqiijiyay labo carruur ah ayaa qaraxa ku dhintay, waxaana dhaawac ah labo kale, iyadoo sadax ka mid ah caruurta mashaqadu haleeshay ay isku qoys yihiin.

Dhaawacyada carruurta ayaa loo qaaday Isbitaalada Dhuusamareeb oo haatan lagu daweynayo

Inta badan goobaha lagu dagaalamo ayaa waxaa alaaba looga tegaa waxyaabo aan qarxin oo ah hubka haraadiga lagu dagaalamay, kuwaasoo qasaare nafeed u geysta carruurta.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker