Xoghayihii Hore ee Dowladda Hoose ee Hargeysa oo isbarbar Dhig Ku Sameeyey Ex. Mayor Abdirahman “Soltelco” & Duqa Hada ee Abdikarim Ahmed Mooge
Xoghayihii Hore ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Cali Xasan Cawaale oo isbarbar Dhig Ku Sameeyey Ex. Mayor Abdirahman Mohamoud Aideed “Soltelco” & Duqa Hada ee Abdikarim Ahmed Mooge
“Ayaan darada jirta waxay tahay ninka kaalintan hore u joogay ee maanta daawanaya hawlihii u qaban kari waayay oo si fudud loo fulinaaayo.
mise tolow roob_lacag ah ayaa dabadii ka da,ay” Xoghayihii Hore ee Fulinta Dowladda Hoose Hargeysa Cali Xasan Cawaale.
Xoghayihii Fulinta Dowladda Hoose Caasimadda Hargeysa Cali Xasan Cawaale’ ayaa qoraal uu qoray waxa uu ku tilmaamay Nasiib daro inay u tahay Mayorkii hore ee Dowladda Hoose ee Hargeysa Cabdiraxmaan (Soltelko) oo hada Xildhibaan Golaha Deegaanka ka tirsani in uu daawanaayo wixii uu intii Mayorka Hargeysa ahaa qaban kari waayey oo mudo Kooban Mayor Cabdikariin A. Mooge iyo Maamulka cusub ee dowladda hoose at ku qabteen Hargeysa-na durba horumar ay ku talaabsatay.
Ex Xoghaye Cali Xasan Cawaale oo Qoraal uu ugu duurxulaayo balse aanu magaciisa ku xusin Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Cayddiid (Soltelko) waxaa uu qoraalkiisu u dhignaa sidan.
“Ayaan darada jirta waxay tahay ninka kaalintan hore u joogay ee maanta daawanaya hawlihii u qaban kari waayay oo si fudud loo fulinaaayo.
mise tolow roob lacag ah ayaa dabadii ka da,y dawlada hoose oo qoladan cusub la kawsaday.
su,aasha hala weydiiyo maamulkii hore ee dawlada hoose (Duqii hore ee Caasimadda Hargeysa) wixii ka hor joogay wax qabadkan?
Hargaysi waxay ka dhigantahay maanta. indhoolihii ilkahana la,aa. ee gabadhiisu hilibka u calaalin jirtay. markay duxda kala baxdana jilaafta qalalan siin jirtay, kadib gabadhii ay ka dhimatay isagoo barooranaya oo leh cid hilibkii ku calaalisa heli maysid mid kale loo guuriyay,taasi oo hilibka u tunta balse aan u calaalin,kadibna hilibkii oo dhecaankiisi iyo duxdiisiba wata oo tuman siisa.
halkaas ayaanu ku garawsaday odaygii in islaanti hore ee u barooranayay ay khaa,imad ahayd kana raystay.
“marka harggaysa ayaa maanta sidaa ka dhigan hilibka looma calaaliyo ee wa loo tuma.
Allah ha ina waafajiyo xaqa
Xoghayihii Hore Fulinta Dowladda Hoos Ee Caasimadda Hargeysa:- Cali Xasan Cawaale