Wiil Soomaali ah oo walaalkii dil argagax leh ugu geystay dalka Mareykanka
Magaalada Columbus gobolka Ohio ee dalka Mareykanka waxaa ka dhacay dil dadka Soomaalida ah ay si weyn uga argagaxeen,kaddib markii wiil dhallinyaro ah oo asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya halkaasi ku dilay wiil la dhashay.
Warbaahinta dalka Mareykanka ayaa tabisay in wiil Soomaali ah oo lagu magacaabo Sakariya Hirad oo 20 jir mindi ku dilay walaalkiis ka weyn oo lagu magacaabayay Mohamed Jirad oo isna 22-sano jir ahaa.
Ciidamada booliiska Magaalada Columbus ayaa xabsiga dhigay wiilka Soomaaliga ah ee dilka geystay , lamana oga ilaa hada sababta keentay dilka wiilkan u geestay walaalkiis ka weyn.
Dalka Mareykanka magaalooyin kuyaalla waxaa ka dhaca mararka qaar dilal ay isku geestaan dhallinyaro Soomaali ah , waxaana dilkan cusub ee ka dhacay magaalada Columbus walaac ka abuuray waalidiinta Soomaalida ee ku nool Mareykanka .