Dibadbaxyo ka socda Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo iyo Waxay Salka ku Hayaan

Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay mudaharaadkii ugu dambeeyay ee looga soo horjeedo ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee ka socda bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Booliiska ayaa kala eryey dad badan oo isugu soo baxay magaalada Butembo oo lagu waday in lagu aaso qaar ka mid ah labaatankii qof ee lagu dilay dibadbaxyada dhowrka maalmood ah halkaa ka socday.

Ugu yaraan afar magaalo oo ku yaal bariga Congo, ayaa dibad baxayaashu waxay beegsadeen xarumaha Qaramada Midoobay ka dib markii ay ku eedeeyeen in ciidamada caalamiga ahi ay ka gaabiyeen in ay dadka rayidka ah ka difaacaan weerarrada kooxaha hubaysan ee kala duwan.

Booliska ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u adeegsatay si ay u kala eryaan dadka isugu soo baxay magaalada Butembo iyadoo naxashyada dadka dhintay lagu soo bandhigay waddooyinka

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker