Taliska Ciidamada qaranka Somaliland Oo 10 maalmood ah u qabtay dadka deggan Dhulka Ciidanka

Taliska Ciidamada qaranka Somaliland ayaa muddo 10 maalmood ah u qabtay in ay iskaga guuraan dadka deggan Laynka Milatariga Hargaysa , Agagaarka Xerada Birjeex,ย Iyo Xero Ruushta.
Sidaana waxa lagu sheegay qoraal ka soo baxay taliska guud ee Ciidanka qaranka.
Waxaana uu u dhignaa sidan.
โ€œTaliska Guud ee C/Qaranka JSL waxa uu Ogaysiinayaa laga Bilaabo Maanta oo ay Taariikhdu tahay 14/03/2022. In Dadwaynaha shacabka ah ee Degan Goobaha C/Qaranka leeyahay ee hoos ku qoran in ay kaga guuraan 10 cisho Gudahood, waana sidan Goobaha laga guurayaa:-
1. Laynka Milatariga Hargaysa.
2. Agagaarka Xerada Birjeex.
3. Xero Ruushta.
Sidaa daraadeed, Dadwaynaha degan goobahan kor ku xusan waxa la farayaa in ay waqtiga dhawraanโ€.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker