Madaxweynayaasha Jabuuti & Masar oo ka wada hadlay Arrinta Wabiga Nile
Madaxweynaha Masar ayaa la kulmay dhiggiisa Jabuuti, taas oo qayb ka ah dadaallada Masar ay ku doonaysay in ay ku dhisato isbahaysi Afrikaan ah iyadoo uu weli socdo muranka biyaha ee kala dhexeeya Itoobiya.
Wadahadallada oo ka dhacay Magaalada Qaahira ayaa Abdel Fattah el-Sissi iyo Ismail Omar Geelle ka wada hadleen biyo-xidheenka muranka badan dhaliyay ee Itoobiya ka dhiseyso marinka ugu weyn ee webiga Niil, kaas oo Masar u aragto inay tahay khatar jirta.
Shir jaraaโid oo uu qabtau hogaamiyaha Masar ayaa ku celiyay dalabka dowladiisa ee ah in la gaadho “heshiis sharci ah oo ku saabsan buuxinta iyo ka shaqeynta Wabiga, sida uu qabo xeerarka sharciga caalamiga ah iyo goโaamada Golaha Ammaanka.โ
Geelle waxa uu sheegay in isaga iyo dhiggiisa Masar ay sidoo kale ka wadahadleen xoojinta xiriirka ka dhexeeya labadooda dowladood “heer kasta ayna wadaageen aragti ku saabsan labada dal, sidoo kalena isla garteen muhiimadda ay leedahay in xidhiidhka labada dal uu yeesho waji cusub.
Booqashada Geelle ee Qaahira ayaa ku soo beegantay in ka badan siddeed bilood ka dib markii el-Sissi uu booqasho ku tagay dalka Jabuuti, isaga oo noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Masar ee ka degay Jabuuti tan iyo markii ay ku dhawaaqday madaxbannaanida 1977-kii.