Waa Kuma Xiddiga Barcelona Ee Jose Mourinho Uu Taleefan Kala Hadlay Si Uu Uga Dhigto Saxiixiisa 1aad Ee Kooxdiisa Cusub?

 

Jose Mourinho ayaa qarka u saaran in uu ku soo laabto garoomada kubbada cagta waxaana la filayaa in uu la wareegi doono kooxdiisii hore ee Inter Milan.

 

Inkasta oo uu Jose Mourinho ku jiro musharixiinta kooxda Juventus, haddana wararka ayaa sheegaya in Inter Milan tahay kooxda ugu dhaw ee uu shaqada ugu soo laaban doono.

Sida uu qoray  Don Balon oo laga leeyahay dalka Spain, Jose Mourinho ayaa xidhiidh la sameeyay xidiga kooxda Barcelona ku dhibtoonaya ee Philippe Coutinho.

 

 

Sida warbixintan lagu sheegay, Jose Mourinho ayaa la hadlay Coutinho si uu ugu qanciyo in uu ku soo laabo San Siro halkaas oo uu Mourinho doonayo in uu ku soo laabto.

Balse Coutinho ayaa la sheegay in uu u furan yahay in uu Inter Milan ku soo laabto haddii laga dhigayo xidiga Cristiano Ronaldo ku xiga ee Serie A ugu mushaarka qaalisan.

Barcelona oo lala xidhiidhinayo Antoine Griezmann ayaa la filayaa in ay dhegaysan doonto dalabyada Coutinho lagu doonayo kadib markii uu soo bandhigi kari waayay heerkii laga doonayay.

Wargayska Sport ee magaalada Barcelona ka soo baxa ayaa sheegay in Barca ay Coutinho ku qiimaynayso €120 milyan yuro taas oo hadda ku badbaan karta xaalada uu Coutinho ku sugan yahay.

Jose Mourinho ayaa hore u sharaxay nooca kooxda uu doonayo in uu markale qabto wuxuuna tusaale ugu soo qaatay Inter Milan iyo sida maamulka kooxdeedu hami fog u leeyihiin taas oo sii xoojisay rajada ay jamaahiirta Inter ka qabaan in Mourinho soo laabto.

Jose Mourinho ayaa waqti cajiib ah ku soo qaatay Inter Milan oo uu koob kasta ugu soo guulaystay laakiin soo laabashadiisa ayaa sare u qaadi karta xamaasada horyaalka Serie A isaga oo waliba ciyaartoy muhiim ah la soo saxiixan doona.

Si kasta ha ahaatee, in Mourinho uu haddaba ka fikirayo saxiixyadii uu samayn lahaa marka uu soo laabto ayaa muujinaysa in uu diyaar u yahay sidii uu uga soo kabsan lahaa waji gabixii Man United ku soo gaadhay.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker