Ururka Ugu Weyn Muslimiinta Mareykanka Oo ku Dhawaaqay Musharaxa ay Taageer-san Yihiin.
Ururka ugu weyn Mareykanka ee u dhaq-dhaqaaqa Arrimaha muslimiinta ayaa Taageeray musharaxa Xisbiga dimoqraadiga Mareykanka Bernie Sanders.
Sanders oo ku Guuleystay labadii Codbixinood ee ka kala dhacay Gobollada Lowa iyo New Hampshire ayaa bartiisa twitter-ka soo dhigay inay “Sharaf” u tahay inuu helo Taageerada Ururka Emgage PAC oo ah Urur Matala Muslimiinta Dalwaynaha Maraykanka.
“Ayada oo Donald Trump uu Yaso Bulshooyinka muslimiinta, ayaa dhaq-dhaqaaqeena waxa uu ka Shaqeynayaa inuu hab siyaasadeed isugu keeno muslimiinta iyo dhammaan Bulshooyinka kale,” ayuu Sanders soo dhegay Bartiisa Twitterka .
Ururka Emgage PAC ayaa sababta ay u Taageereen Sanders ku sheegay in Ololihiisu yahay “mid dadka oo dhan ay qeyb ka yihiin, oo ku dhisan fikrad ah in dadka oo dhan ay siman yihiin una qalmaan inay u Noolaadaan si sharaf leh.”
Daraasad aan rasmi ahayn ayaa muujisay in 75% xubnaha ururkan ay taageersan yihiin Sanders.
Madaxa Emgage Wa’el Alzayat ayaa sheegay in xubnahooda ay door bidayaan siyaasadda Sanders ee caafimaadka, is-beddelka nidaamka cadaaladda, ilaalinta deegaanka, iyo siyaasaddiisa arrimaha dibedda, oo ay ku jirto taageerada xooggan ee uu u muujiyey xuquuqda Falastiiniyiinta.
Sanders oo haysta diinta Yahuudda, ayaa kulan uu qabtay Talaadaddii waxa uu ku sheegay in dowladda hadda hoggaamisa Israel ay tahay “cunsuri”, wuxuuna ballan-qaaday inuu wax ka qaban doono dhibaatooyinka ka taagan Gaza.
Sanders ayaa waxaa horey u taageeray labada gabdhood ee muslimka ah ee ku jira Aqalka Wakiilada Mareykanka, Ilhaan Cumar iyo Rashida Tlaib.