Ruushka Oo Raadinaya Xaaska Madaxweynaha Ukraine Iyo Sababta?
Tan iyo markii uu bilowday duullaanka Ruushka uu ku qaaday Ukraine, waxaa si weyn u caan baxay Madaxweyne Volodymyr Zelensky oo si aan horay loo fileyn isaga caabiyay weerarka ay ku qaaday xukuumadda Moscow.
Zelensky ayaa sheegay inuu yahay bartilmaameedka koobaad ee Ruushka, halka qoyskiisana uu yahay kan labaad. Hadaba maxaan ka ognahay xaaska u dhaxda Madaxweynahan aan la ogeyn goobta saxda ah ee uu ku sugan yahay?
Magaceedu waa Olena Zelenaska. Waa 44 jir baratay qoridda sheekooyinka filimada. Waxa ay Madaxweyne Zelensky u dhashay gabar iyo wiil lagu kala magacaabo Aleksandra iyo Kirill.
Marwada koobaad ayaa si buuxda u garab istaagtay iska caabinta uu hogaaminayo seygeeda ee Ukraine ay kula jirto Ruushka. Todobaad ka hor inta aanuu billaaban duulaanka ayaa waxa ay barteeda Telegram ku qortay sidatan:
“Maanta, ma noqon doono mid argagaxda ama ilmaysa. Waan isdejinayaa oo kalsooni ayaan yeelanayaa. Carruurtayda ayaa i daawanaya. Waxaan garab taaganahay carruurtayda, seygayga iyo dhammaan shacabka dalkayga.”
Bishii April 2019, Volodymyr Zelensky ayaa si lama filaan ah ugu guulaystay madaxtinnimada Ukraine, isagoo markaa ahaa jilaa iyo majaajileysto aan khibrad u lahayn siyaasadda iyo hogaaminta. Dad kooban oo u badan kuwa ka shaqeeya madadaallada ayaa xilligaas aqoon u lahaa xaaskiisa Zelenaska.
“Ma ihi qof caan ah, waxaana jeclahay in aan ka dhuunto indhaha caalamka. Seygayga ayaa ah nin ay dadka yaqaanaan, aniguna waxba kama aqaano siyaasadda iyo kaftankeeda,” ayay waagaas u sheegtay wargeyska Vogue.
Qaabka ay isku barteen
Olena ayaa ku dhalatay magaalada Kryvyi Rih ee ku taalla barmaha Ukraine, waxaana ay Zelensky isku barteen jaamacadda magaaladaas halkaas oo ay ka baranaysay culuunta dhismaha, isaguna waxa uu dhiganayay kulliyada qaanuunka. Waxaa la sheegay inay markaa xidhiidh la lahayd nin kale, halka Zelensky uu ku mashquulsanaa taaba-gelinta hiwaayadiisa majaajiladda.
Dowrkeeda dagaalka
Zelenska ayaa marar badan boggaga ay ku leedahay baraha bulshada ku soo sheegtay sida ay uga xuntahay dagaalka uu Ruushka ku qaaday dalkeeda.
“Carruurta Ukraine waxaa markasta loola cararaa dhismayaasha dhulka hoostiisa ah si ay uga badbaadaan duqeynta. Ma dooneyno dagaalka, hase yeeshee isma dhiibi doonno oo waan iska caabin doonnaa,” ayay ku qortay barteeda Instagram.
Madaxweyne Zelensky ayaa sheegay in Ruushka uu bartilmaameedka labaad ka dhigtay qoyskiisa oo uu ula jeedo xaaskiisa Zelenska iyo labadooda canug, Aleksandra iyo Kirill.