Dagaalka Ruushka Iyo Ukraine, Ciidamada Ruushka Oo Kulaalaya Caasimadda Kyiv

Ciidamada Ruushka ayaa wali si ba’an ugu hareereysan magaalada dakadda ee Mariupol oo la qorsheynayey kumannaan shacabka ah iney magaaladaasi ka baxaan kaddib xabbad joojin ay labada dhinac gaadheen. Isaga oo dhinaca kalena duleedka magaalada caasimadda ah ee Kiev kulaalaya oo dagaallo culusi ka socdaan. Ciidamada Ruushka ayaa maalmihi la soo dhaafay duqeymo aan kala joogsi lahayn ku hayey magaaladasi oo ku taalla marin isku xidha Crimea iyo Ruushka. Haddaba haddii uu Ruushka magaalada Mariupol uu qabsado waxaa u sahlanaaneyso iney ciidamadiisu si fudud ugu gudbaan gobollada Luhansk iyo Donetsk oo ay kooxa gooni u goosad ah oo ay Moscow taageerto ay qabsadeen. Sida oo kale gacanka Crimea wuxuu Ruushka gacanta ku dhigay dagaalki 2014-kii uu la galay dalka Ruushka.
Magaalada yar ee lagu magacaabo Irpin waxa ay 12 mile oo keliya u jirtaa caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, halkaas oo ay ku wajahanyihiin ciidamada Ruushka ee ku duulay dalkaas. Magaalada ayaa furin u noqotay labada ciidan ee hardamaya, iyada oo halkaas ay waxyeelo weyn kasoo gaartay dadkii shacabkii ahaa ee degenaa. Madaxa hore ee kolonyada aadka u badan ee baabuurta gaashaaman iyo ciidanka Ruushka ee duulaanka ah ayaa ku sugan magaaladan. Dhismayaasha iyo waddooyinka magaaladan ayaa si weyn u burburay, iyada oo ay ku dhacayaan madaafiicda goobta ee la isku adeegsanayo. Wararka qaar ayaa sheegaya in ciidamada Ukraine ay burburiyeen buundooyin, iyaga oo ka hor tagaya in ciidamada Ruushka ay si sahlan uga gudbaan halkaas. Muuqaalo la baahiyay ayaa muujinaya shacab ka gudbaya buundooyin, iyada oo ay ku hoobanayaan madaafiic. Tareenka ayaa ah gaadiidka ugu habboon ee ay dadka kaga baxsanayaan magaalooyinka. Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in illaa iyo hadda ay qaxeen wax ka badan 1.5 milyan oo qof.
Duqeynta uu Ruushka la beegsanayo deegaannada ay dadka ku badan yihiin wuxuu ogolleeyahay in uu niyad jab ku rido Ukraine, sida laga soo xigtay wasaaradda gaashaandhigga ee UK. Wasaaradda gaashaandhigga waxay sheegtay in awoodda iyo xawaaraha uu ku socdo howlgallada iska caabinta ee Ukraine uu ka yaabiyay ciidamada Ruushka isla markaana taasna ay horseeday in uu gantaallo ku garaaco magaalooyinka Kharkiv, Chernihiv iyo Mariupol. Xaaladda dagaalka ayaa sii xumaanaysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker