Garyaqaan Mubarak Cabdi Ismaaciil Oo Soo Bandhigay Qaladaadka Ku Jira Hanaanka Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga

Garyaqaan Mubarak Cabdi Ismaaciil Oo Soo Bandhigay Qaladaadka Ku Jira Hanaanka Qaadashada Kaadhka Aqoonsiga Laba arrimood baa aad u kala duwan.

helista kaadhka aqoonsiga Muwaadinka soomaliland “National Identification Card”sida lagu helo, iyo Cadaynta dambi la,aanta “Criminal Record Letter”.

Habraacyo “protocols” iyo xeerar baa jira ay wasaarada arrimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose ee Degmooyinku ku bixiyaan Aqoonsiga muwaadinka waana Nidaam uu qof kasta oo muwaadin ahi ku qaato Kaadhka aqoonsigiisa ama lagu xaqiijiyo ,waagi kiyuuga looga gali jiray qaadashada Kaadhkan baan qaatay anigu, imay cajibin qaabka kali ah ee lagu xaqiijin karo inay tahay in lagu idhaa Qolomaad tahay? iyo caaqilkaaga lambarkiisa iyo magaciisa sheeg? Sidoo kale dadku waxay aad uga cawdaan marka uu ka lumo iyo marka ay qof ehelka ah u qaadayaan cashuuro aan sharciyaysnayn in lagaga qaado’ Balse horta kaadhkan yaa qaadan kara ? maaha kaadh uu qof kasta heli karo waxa la idhi waa “National identity Card” ama Kaadhka aqoonsiga Muwaadinka , Hadaba yaa Muwaadin ka ah soomaliland ? waxa ka jawaabay qodobka 4aad faqradiisa 1aad ee Dastuurka JSL oo leh “Qof kasta oo u dhashay Somaliland, kana issirran dadkii deggenaa dalka Somaliland 26kii Juun 1960kii iyo ka hor, waxa loo aqoonsanayaa muwaadin Somaliland” .

Nidaamkan uu dastuurku qaatay waxa lagu saleeyay ethnic approach ama Hanaanka Qabaailka maaha “Civic approach” Hanaan Madani ah , Reerihi deganaa soomaliland eeg hadaa dastuurku muu odhan qof kasta oo ku dhasha waa soomalilander waxa uu idhi qof kasta oo u dhashay taas macnaheedu waxay tahay asal ahaan dadka ka soo jeeda deegaanada soomaliland xataa hadii aanay dalka ku dhalan baa muwadiniin ah waxaanay ku noqdeen “by Naturalization”.

Xeerka Jinsiyada soomaliland ee xeer L/R 22/2002 oo la sameeyay dastuurka sanad ka dib ayaa tilmaamaya Muwaadinka u dhalashada ah Gaar ahaan Qodobkiisa 2aad faqradiisa 1aad
“Waxa Muwaadin dhalad Somaliland ah qof kasta oo uu dhalay Aabbe ka Isirran dadkii deganaa dhulka Somaliland 26 Juun 1960kii iyo ka hor”.

Sidoo kale Qodobka 3aad ee isla xeerkan baa dhigaya Habraacyada uu qofka muwaadinka ahi ku codsan karo Aqoonsigiisa muwaadinimo, caaqilkuna halkaasu soo hoos galaya, walow aan qodobkaas la wada dabaqin oo ay tahay caaqilku inuu cadayn ka hor bixiyo Maxakamad isagoo dhaarsan.

Isla qodobka 4aad ee xeerkan jinsiyada soomaliland baa isna qeexaya ogolaanshaha muwaadinimada Qofka ajaanibka ah ama Qaxoontiga ah iyo sida uu ku heli karaba,shuruudiiisa oo dhana halkaasay ku taxan yihiin.

Sidoo kale qofka ay dhasho hooyo reer soomaliland ah oo raba inuu muwaadinimada qaato maxaa laga yeelaya qodobka 4aad faqradiisa 2aad ee xeerkan baa qeexaya.
” Qofka ay dhashay hooyo muwaadin Somaliland ah ee la xaqiijiyo inuu yahay aabe-laawe, ee soo codsada muwaadinimada Somaliland, waxa la siin karaa muwaadinimada marka uu buuxiyo shuruudaha ku xusan farqadda 1aad ee qodobkan”.

Yaa Bixiya Muwaadinimada deganaanshaha lagu helayo?

Ogolaanshaha muwaadinimo ee ku sheegan qodobka 4aad waxa bixinaya Madaxweynaha oo Degreeto ku soo saaraya, marka uu dhagaysto talada Guddiga Qaranka ee Jinsiyadda oo ka kooban 12 xubnood oo Golaha Wasiirada ah oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Arrimaha Guduhu. Qodobka 5aad faqradiisa 1aad.

FG:Inanta ka cabatay Nidaamka loola dhaqmay anigoo aad uga xun hadana sharciyan xaq bay u leedahay inay hesho kaadhka aqoonsiga soomaliland maadama uu qabo/qabi jiray Nin Muwaadin ahi sida uu waaibinayo qodobka 9aad faqradiisa 1aad ee Xeerka Jinsiyada soomaliland “Gabadha ajanabiga ah ee guursata nin muwaadin ah waxay helaysaa muwaadinimada Somaliland, waanay haysan kartaa xataa haddii la furo, haddii aanay iskeed uga tanaasulin”. Xataa hadii uu guurkeedu dhamaaday way haysan kartaa Muwaadinimadeeda.

Ugu dambayntii Nidaamka cadaynta dembi la,aanta waa xaq u leeyahay qof kasta oo degan magaalooyinka soomaliland in la siiyo hadii aanu jirin xukun maxakamadeed oo ku dhacay 5 sano ee ugu dambaysay, waxa wada bixiya Xarunta Baadhista dambiyada ee CID iyo xafiiska xeer ilaalinta Gobolka arrintan madmadaw badan baa ku xeeran marka loo eego Hanaanka loo siiyo dadka ,ajuurada laga qaado iyo shuruudaha lagu xidhaba , Farsamo ahaana qalabka lagu kaydiyo xogta dambiilayaasha dalku ma leh ee fayl baa laga eega magaciisa ,faylkana qof saldhig lagu xidhay uun baa laga heli karaa ” Criminal Database system” in loo ibiyo Booliska iyo xafiiska xeer ilaaliyaha Guud baa waan soo jeedin lahaa.

Uma baahna qof degan Hargeisa ama meel kale hadii uu doonto cadaynta dembi la,aanta in lagu xidho Aqoonsiga Muwaadinimada waayo dalka waxa degan muwadininiin iyo dad aan muwadiniin ahaynba.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker