Madasha Badbaado Qaran oo fariin u dirtay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay

Madasha badbaado qaran oo ay ku midoobeen siyaasiyiinta mucaaradka, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo madaxda maamulada Puntland iyo Jubaland ayaa fariin u diray golaha ammaanka ee Qaramada midoobay xiili lagu wado inay maanta ka shiraan arrimaha siyaasadda Soomaaliya.

Madashada ayaa warqadda ay direen waxay ku xuseen sida ay uga soo horjeedan muddo kordhintii Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku ansixiyeen qaraar labo sano ah iyo khilaafka ka taagan, iyaga oo codsaday in fariintooda laga hor aqriyo golaha hortooda.

Wadahadaladii ugu dambeeyay ee ka socday teendhada Afisiyoone ayaa natiijo la’aan ku so dhamaaday markii dhinacyadu ay isku afgaran waayeen hannaanka wada xaajoodka, wax tanaasul ahna la heli waayay.

Madasha ayaa sidoo kale sheegtay go’aanadii ay qaadatay.

“Go’aanka ka soo baxay Aqalka Hoose ee Baarlamaanka ee ay ku kororsadeen shaqadooda iyo tan madaxweynaha laba sano waa waxba kama jiraan”

iyaga oo sidoo kale sheegay in go’aankaas uu khatar ku yahay xasilloonida, nabadda iyo midnimada Soomaaliya iyo tan dadka Soomaaliyeed.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker