Jaamacad dhaqan gelineysa in ragga iyo dumarka aysan hal fasal wada fariisan karin
Tallaabo ay dadka qaarkiis u arkeen inay tilmaan u tahay “Islaamka” Kuwait, ayaa la doonayaa in la dhaqan geliyo.
Jaamacadda Kuwait waxay ku dhawaaqday inay joojisay isku dhafka ragga iyo dumarka ee fasalka, haddii aan loo baahnayn.
Ku-simaha Agaasimaha Jaamacadda Kuwait, Dr. Fayez Munshaar Al-Dhafiri, ayaa caddeeyay inay jaamacaddu ka go’an tahay dhaqan gelinta sharciga ka hortagga wadaagga fasallada, isagoo tilmaamay in Jaamacaddu ka shaqeyso inay ka fogaato isku-dhafka fasalka dhexdiisa, marka laga reebo marka ay jiraan xaalado aan caadi ahayn oo u baahan arrintan.
Al-Dhafiri ayaa yiri, “Mabda’a qaybaha tacliinta ee Jaamacadda waa in la kala saaro dumarka iyo ragga, haddii aan loo baahnayn si kale,” isagoo ku nuux-nuuxsaday sida ay uga go’an tahay jaamacaddu inay dib u eegis ku sameyso qaybaha tacliinta iyo baabi’inta fasaladda la wadaago, taas oo sida ay qabaan khubaradu, laga yaabo inay saameyn ku yeelato billowga jaamacadda ee sanadkan maadaama billowga waxbarashu ay haatan tahay.
Arrintan ayay ardayda qaar ku tilmaameen inay tahay wax duminaya mustaqbalka ilaa 3,500 oo arday, maadaama jaamacadda Kuwait aanay dib u diwaangelin karin tiradan ardayda ah, maalmo uun ka hor bilowga sannad dugsiyeedka.