Madaxweynaha Ukraine oo ka hadlay dagaalka uu kusoo qaaday Ruushka

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay duqeymo cirka ah u geysteen xarumaha milatariga iyo saldhigyada ciidamada ilaaliyo xadka.

“Ruushka si khiyaano ah ayuu saakay u soo weeraray qarankeenna, si la mid ah sidi ay Naziyiintii Jarmalka sameeyeen sannadihi Dagaalki Labaad ee Dunida” ayuu ku yidhi  madaxweyne Zelensky

Wuxuu ku dhawaaqay in dowladdiisu ay dalka gelisay xaalad militari, isaga oo ugu baaqay shacabka in ay is dejiyaan oo ay guryahooda joogaan.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo ku dhawaaqay in Ukraine ay jartay xidhiidhkii dibolamaasi ee ay la lahayd Russia. Isaga oo ku booriyay dhammaan muwaadiniinta dooneysa in ay dalka difaacaan ay soo baxaan si loo siiyo hubki ay ku dagaallami lahaayeen.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker