Wixii lagu celceliyo run baa loo qaataa ama been fakatay runi ma gaadho.
Wixii lagu celceliyo run baa loo qaataa ama been fakatay runi ma gaadho. Yaa yidhi shacabka Somaliland ma yaqaaniin mudaharaadka nabadda aha?
Mudaharaadku marka uu xukuumadda taageersan yahay waa la ogol yahay. Tusaale ahaan, kii maallintii dhowayd Baarlamaanka Ingiriiska lagu taageerayay. Marka uu xukuumadda ka soo horjeedo se waa dembi iyo khalkhal gelin amni. Kumanaan kun ayaa isku soo baxa mudaharaadyada xisbiyada ee xilliga ololaha doorashada oo ah marka dadka dareenkoodu aadka u kacsan yahay. Deero deero ma hirdido. Dadka sidaas ilbaxa u ah inay biyo la’aan ka mudaharaadaan lama ogola. Fahan markaas arinku amaan ilaalin maaha ee waa diidmo feker cabirid. Waa sababta suxufiyiinta loo xidho, warbaahinta loo xayiro ee qof Facebook ga wax ku qoray loo xidho. Waxa aannu u soo taagnayn nin (Alle ha u naxariisto. Hada ma noola) keligii mudaharaaday oo la xidhay. Suuqa dhexe ee Hargeysa ayuu socod ka soo bilaabay isaga oo boodhadh sita. Saldhigga ayaa loo taxaabay. Waa qof keligii soconaya hada. Sheekadu amaan maaha.
Haddii tobon qof keliya codsadaan inay dharaar cayiman Beerta Xorriyadda ee Hargeysa ku samaynayaan mudaharaad salmi ah oo aan cid kale la socon, la yeelli maayo. Waayo? Dee waa mudaharaad xukuumadda lagaga soo horjeedo oo lama ogola.
Dal aan shacabkiisu mudaharaadi karin oo hadan sheegta inuu yahay dimoqraadi ku shaqeeya dastuur waa yaab.
Dad waawayn ayaa laga dhaadhiciyay in mudaharaadku yahay rabshad. Waxa lagu celceliyo dadku way aaminaan marka danbe. Maaha rabshad ee waa feker cabir ilbaxnimo ah oo in dadku sameeyaan ay tusaale iyo caddayn u tahay inay yihiin bulsho nabadeed ka baxday qoriga oo u baxday hadalka iyo aragti dhiibashada nabadda ah. Meel aan lagu mudaharaadi karin ilbaxnimo iyo dawladnimo casri ahi kama jirto.
Waxa aad xaq u leedahay qof kula mid ah ha ka baryin. Maallinta aad ka baryootantid xaqaaga ayaad waxyeello u gaysatay aadanimada iyo karaamadda Ilaahay ku siiyay oo naftaada la socota ee aan dawladi ku siin.
Madaxwayne Axmed Siilaanyo iy Madaxwayne Muuse Biixi oo mudaharaadaya saw maynu arag oo dabadeed xukuumaddii joogtay diidan tahay. Rasaas gadhka loo geliyay oo leh xaqayagii ayaa la diidan yahay. Labaduba hadana, yaabka, way diideen in lagu mudaharaado.
Dastuurka ayaa inoo dhex ah ee xukuumaddu ha ixtiraamto. Haddii waxa ku qoran ay xitaa qadhaadh yihiin iska caba. Waa heshiiska madaxda idinka dhigay ee aannu idinku ixtiraamno e. Balse inaad dastuurka inta awoodda idin siisay jecelaataan, inta shacabka awoodda siisayna idinla xumaato, gar iyo daw toona maaha.
Guuleed Dafac