Siyaasadaynta Sicir-bararka iyo Saamaynta ka Dhalan Karta
Dalka Ingiriiska waxa laga dareemayaa sicir-bararkii ugu sareeyey ilaa sannadkii 1992-kii, iyadoo uu sicir-bararka saamaynta ku yeeshay maciishada kala duwan uu sare u kacay 5.5%. Waxa kaloo sare u kacay qiimaha lagu raaco gaadiidka dadweynaha, sida basaska gudaha dalka UK. Sidoo kale dalalka Canada iyo Maraykanka oo ka mid ah dalalka Waqooyiga Ameerika waxa ka jira sicir-barar xooggan, iyadoo uu dhinaca Canada sicir-bararku sare u kacay 5.1%
Sicir-bararka maciishada iyo qiimaha noocyda kala duwan ee shidaalka ayaa sidoo kale si weyn sare ugu kacay caalamka, waxayna taasi saamayn adag ku yeelatay bulshooyinka ku nool dalalka faqiirka oo ay Somaliland ka mid tahay. Sidoo kale saamaynaha ka dhashay xannuunka COVID-19 ayaa qayb muhiim ah ka noqday waxyaabaha xuddunta u ah sicir-bararka, waana arrin adduunka oo dhan wada taabatay.
Dhibaatada sicir-bararku maaha mid u gaar ah bulshada reer Somaliland, balse Somaliland waxa u sii dheer saddex qodob oo ka koowaad yahay in badanka ganacsatadeenu ay yihiin qaar macaash xad-dhaaf ah saara badeecadaha kala duwan ee ay iibiyaan, sida shidaalka iyo waxyaabaha kale ee quutal-daruuriga ah. Qodobka labaadna waa in aynaan qaran ahaan siyaasad cad oo qoran ka lahayn xakamaynta sicir-bararka, taasna waxa ku ceebaysan hadba Xukuumadda markaas talada haysa, masuuliyadduna waxa ay hadda saaran tahay Xukuumadda KULMIYE ee hadda joogta iyo qodobka saddexaad oo ah in aanay dawladeennu lahayn awood dhaqaale oo ay ku kabto shidaalka iyo badeecadaha kale, si bulshada dan-yarta ah looga ilaaliyo in culaysku iyaga ku dhaco, inkasta oo miisaaniyadaha dawladda, gaar ahaan miisaaniyaddan u dambaysay ee sannadka 2022 lagu daray 10% cashuur-dhimis ah loo sameeyey raashinka quutal-daruuriga ah muddo lix bilood ah, balse arrimahaasi maaha qaar dawo u noqon kara dhibaatooyinka sicir-bararka.
Waxa kaloo muuqata in si xooggan loo siyaasadeeyey dhibaatooyinka sicir-bararka ka jira Somaliland, iyadoo dadka mucaaridka ah ay ka dhiganayaan fursad siyaasadeed oo u muuqatay, si hoos loogu dhigo kalsoonida Xukuumadda KULMIYE, waxaanna xaqiiqo ah in xiitaa haddii ay mucaaridku maanta talada hayn lahaayeen ay xaaladdu sidan uun ahaan lahayd ama sidoo kale haddii xisbiyada mucaaridku ay xukunka dalka la wareegaan aanay waxba ka qaban karin sicir-bararka hadda taagan, sababtoo ah waa awood ka baxsan dalka Somaliland, waana dhibaato si isku mid ah uga taagan caalamka oo ay ka mid yihiin dalalka waaweyn ee Ingiriiska iyo Maraykanku.
Loolanka u dhexeeya mucaaridka iyo muxaafidka Somaliland dawo uma noqon karo sicir-bararka, balse waxa loo baahan in si wada-jir ah ay Golayaasha Qaranka, xisbiyada iyo ganacsatadu uga wada-tashadaan sidii loo yarayn lahaa ama hoos loogu dhigi lahaa saamaynka sicir-bararku ku leeyahay dadka dan-yarta ah ee reer Somaliland.
Maxamed Cirro