Dawladaha Suudaan Iyo Isra’iil Oo Is Waydaarsaday Xogo Sirdoon Oo Xasaasi Ah

Hogaamiyaha Milatariga Suudan General Cabdul Fataah Burhaan, ayaa hadal uu jeediyay waxa uu meesha ka saaray hanjabaadaha reer galbeedka ee cunaqabateynta la xidhiidha mudaaharaadyada ka socda dalkaasi, waxa kale oo uu ka hadlay kulamo dhexmaray Sudan iyo Israel, oo uu ku sheegay in ay ahaayeen kuwo amniga lagaga wada shaqeynayo, balse aanay ahayn arrimo siyaasad la xidhiidha.
Burhaan ayaa wareysigii ugu horeeyay ee uu siiyo telefishinka qaranka tan iyo afgambiga ku sheegay in Washington ay helayso xog aan sax ahayn.
Waxa uu sidoo kale bogaadiyay xidhiidhka uu la leeyahay Israa’iil, isaga oo sheegay in wada shaqayn sirdoon oo dhex martay labada dhinac oo hore cadow u aha ay gacan ka geysatay qabashada dagaalyahanno looga shakisan yahay dalkiisa.
Mudaaharaadayaasha ayaa waddooyinka jiray muddo bilo ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii militari ee uu hoggaaminayay Gen. Burhaan bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaasoo lagu soo afjaray wadashaqeynta rayidka iyo milateriga, waxaa la sheegay in la rabay in lagu horseedo doorasho dimoqraadi ah, tallaabadaas oo sidoo kale si weyn looga cambaareeyay beesha caalamka.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in ay eegayaan fursadaha ay kaga jawaabayaan dilka ugu yaraan 79 qof oo mudaaharaadayaal ah, marka loo eego tirade dhimashada ay dhaqaatiirtu sheegeen, iyo in la faragaaliyo dowladda uu rayidku hogaamiyo.
“Cunaqabateynta iyo hanjabaadooda faa’iido ma leh,” ayuu Burhaan ku yidhi wareysiga, isaga oo intaa ku daray in uu isagu qaaday mas’uuliyadda shakhsi ahaaneed ee baaritaannada dhimashada dibad-baxayaasha iyo in shan ilaa lix badhitaan ay socdaan.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiraan tuhuno ku saabsan ku lug lahaanshaha “kooxaha dibadda”, isaga oo aan faahfaahin.
Suudaan iyo Israa’iil waxay xiriirkooda Hagaajiyeen sanadka 2020 taasoo qayb ka ah heshiisyo taxane ah oo Maraykanku gadh-wadeen ka ahaa oo dhexmaray Israa’iil iyo afar waddan oo Carab ah.
Labada dal ayaa tan iyo markii ay sameysteen xidhiidh amni iyo mid sirdoon oo ay ku kulmeen mas’uuliyiintoodu inta badan safarro aan la shaacin.
Madaxa golaha talada haya ee Golaha sare ayaa sheegay in isweydaarsiga sirtu ay u suurtageliyay Suudaan in ay burburiso oo ay xidho kooxaha hubeysan ee looga shakisan yahay “in ay wax u dhimi karaan ammaanka Suudaan iyo kan gobolka”.
Israa’iil ayaa ka aamustay afgambigii millatari ee bishii Oktoobar iyo qalalaasaha ka dhashay afgambigaasi, taas oo muujinaysa in ay doonayso in ay sii wado xidhiidhka tooska ah ee ay la leedahay Suudaan.
Saraakiisha Suudaan iyo Israa’iil waxay isweydaarsadeen booqashooyin aan la shaacin toddobaadyadii la soo dhaafay. Dhawaan ayey aheyd markii wafdi ka socda dowladda Suudaan ay booqasho ku tageen magaalada Tel Aviv todobaadkii hore, kaddib markii bishii January ay magaalada Khartoum booqasho ku tageen saraakiil ka tirsan Israa’iil oo ay ku jiraan saraakiisha sirdoonka Mossad.
Bishii Oktoobar, wasiirkii caddaaladda ee Suudaan ee xilligaas, Nasredeen Abdulbari, iyo wasiirro ka tirsan golaha wasiirrada Israa’iil Iidan Roll iyo Edawi Frej ayaa shir daahfuran oo naadir ah ku yeeshay Abu Dhabi.
Kor uqaadista xidhiidhka Israel ayaa u gogol xaadhaysay in Sudan ay dib uga mid noqoto beesha caalamka ka dib labaatan sano oo go’doon ah oo uu hogaaminayey madaxweynihii hore ee Cumar Al-Bashiir.
Suudaan ayaa mar ka mid ahayd dalalka carabta ee ay sida aadka ah u xafiiltamaan Israa’iil. Waxa ay marti galisay shirkii caanka ahaa ee Carbeed kadib dagaalkii bariga dhexe ee 1967 kaas oo ay sideed wadan oo Carab ahi wacad ku mareen in aanay waligood nabad la qaadan doonin Israa’iil.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker