Xilliga laga cabsi qabo inuu Ruushka weeraro Ukraine oo la shaaciyay

La-taliyaha amniga qaranka ee Maraykanka, Jake Sullivan, ayaa sheegay in ciidamada Ruushka ay hadda diyaar u yihiin “duulaan milateri oo ballaaran” hadalkaas oo u muuqda in Maraykanka uu ka quustay xal laga gaaro xiisadda taagan.

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken, ayaa tilmaamay in duulaanka Ruushka uu dhici karo ka hor 20-ka bishan.

Madaxweyne Biden ayaa sheegay in dalkiisa aanuu Ukraine u diri doonin ciidan soo badbaadiya muwaadiniinta Maraykanka, haddii uu Ruushka qaado duulaanka.

Dalal badan ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay ka baxaan Ukraine, waxaana kamid ah UK, Canada, Netherlands, Latvia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Jimcihii, Madaxweynaha Maraykanka ayaa kulan qaab muuqaal ah la yeeshay hogaamiyayaasha NATO, waxaana ay isla gaadheen in cunaqabateyn dhaqaale oo baahsan lagu beegsado Ruushka haddii uu weerarro Ukraine.

Dhanka kale Maraykanka ayaa sheegay in 3,000 oo ciidan dheeraad ah uu u diri doono Poland, kuwaas oo lagu wado inay halkaa gaaraan todobaadka soo socda. Kama dagaallami doonaan Ukraine, balse waxa ay difaaci doonaan dalalka xulafada la ah Maraykanka.

Madaxweyne Biden iyo hogaamiyaha Faransiiska, Emmanuel Macron ayaa lagu wadaa in maanta ay telefoonka kula hadlaan Madaxweyne Putin.

Xukuumadda Moscow ayaa dalka Belarus ka bilowday dhoolatus milateri oo ballaaran, iyadoo Ukraine ay ku eedaysay Ruushka inoo ka xidhan dhanka badda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker