Wasiirka Cusub ee Amniuga Gudaha Somalia oo La dhaariyay + Xiisadoo Cakiran

Muqdisho (OWN) – Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa goordhoweyd loo dhaariyey Xilkaas cusub oo shalay uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka qeyb galay dhaarinta Wasiirka cusub ee Amniga Gudaha, waxaana dhaariyey Wasiirka Cadaalada, Cabdulqaadir Maxamed Nuur.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa wasiirka cusub kula dardaarmay in uu si hufan u guto howsha muhiimka u ah qaranka ee loo igmaday si waafaqsan dastuurka iyo xeerarka dalka.

Dhaarinta kadib, munaasabad ka dhacday xarunta wasaaradda amniga, waxa uu wasiirka cusub ee amniga si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiir ku-xigeenka amniga Farxaan Cali Axmed, kadib markii wasiirka amniga Xasan Xundubey uu diiday inuu xilka wareejiyo.

Dhinaca kale, Wasiirkii hore ee amniga, Xundubeey ayaa bartiisa twitter-ka ku soo qoray in Wasaarada arrimaha Gudaha uu ka socda afduub lagu sheegayo xil wareejin, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa i soo gaadhaya in Xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha uu ka socdo AFDUUB lagu sheegayo xil-wareejin!,” ayuu Xundubey ku yidhi qoraal uu soo dhigay twitter.

Xundubeey ayaa kal hore ka horyimid xilka uu ka qaaday Ra’iisul Wasaaraha, kuna tilmaamay sharci-darro, isaga oo la safan Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo ay is-hayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker