Maxaa Ka Jira In Xisbi Mucaarid Uu Weeraro Isdaba joog ah Ku Hayo Siyaasiyiinta Gaboose iyo Maxamuud Xaashi

Tan intii Ka dambaysay Markii, ay Xoogaysteen, Wararka Ku Sahabsan Furista Ururada Siyaasada iyo Kulanada Siyaasadeed ee ay, dhoolatuska ah oo ay Maalmihii u Dambeeyay, Caasimada Hargeysa ku Yeesheen, Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi, iyo Taageerayaashiisa iyo Waliba Dr Maxamed Cabdi Gaboose, iyo Siyaasiyiinta Kula Socda Damacooda.

Waxaa Baraha Bulshada Ka dhex Socda Qoraalo iyo Muuqaalo hore, oo Lagu Weerarayo, Labadan Siyaasi Kuwaas oo ay si aad ah ugu hawlan yihiin Qaar Kamid ah Taageerayaasha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo Sigaar ah u Bartilmaameedsadey Waxaanay Dad badani Kaga Jawaabeen Talaabadani mid taageero u Kordhinaysa Dr Gaboose iyo Maxamuud Xaashi.

Siyaasada Somaliland, oo Indhawaale u Muuqatay, inn ay Hanqalka kala Soo Kacdey Godkii ay Deganeyd, ayaa Maalmahan Waxa hadalhaynteedu Aawan Tahey, Dhaqdhaqaaqyada Ku Wajahan Doorka Furista Ururada Siyaasada oo Siyaasiyiin badani ka hilaaciyeen Damacooda Siyaasiga ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker