Gabadh Soomaali ah oo Ilhaan Cumar kursigeeda kula la loolameysa
Gabadh Soomaali ah oo muddo dheer ka tirsaneyd ciidamada Mareykanka ayaa ku biirtay xisbiga Jamhuuriga iyadoo dooneysa in ay dhuunta u gasho Ilhaam Cumar oo ah Xisbiga Dimoqraadiga lagana soo doorto Minnesota .
Gabadhan ayaa ku sheegtay Ilhaan in aanay ka warqabin baahida dadka ay matasho oo ay ku jirto in ay wax ka qabato falalka dembiyada ee ka dillaacay Minneapolis.
‘’ Minneapolis haatan waxay la kulmeysaa sanadihii ugu rabshadaha badnaa waxaana magalada hareeyey kooxo dilayaal ah ‘’ ayey tidhi Shukri Cabdiraxmaan oo muhsharixii shanaad ee dgemafdaas iska soo sharraxaoo
Shukri C/raxmaan oo ah gabar muslim ah oo hore uga tirsaneyd ciidamada ahna hooyo saddex carruur ah ayaa shaacaka qaaday ololaheeda mushaxnimo ee Jamhuuriga.
Gabadhan ayaa raadinaysa kursiga shanaad ee kongareeska ee degmadaas ku taalla Mareykanka in ay la degto Ilhaan Cumar oo haatan heysata kursiga Kongareeska ee degmadaa ‘’ waxay iila muuqataa in aanay u heynin matalaadda dadka halkan ‘’ ayey na tiri iyadoo ka hadleysa Ilhaan Cumar.