Daawo: Waa kuma Xiddiga ku Guuleystay Goolhayaha Sannadkan . ee Hantiyay Abaalmarinta Ballon d’Or ?

Goolhayaha kooxda Liverpool Ee laga Magacaabo Brazil Alisson Becker ayaa ku guuleystay Abaalmarintii ugu horeysay ee nooceeda oo kala ah ee Goolhayaha Sannadka ee Ballon d’Or.

 

Abaalmarinta ayaa loogu magacdaray Goolhayaha kaliya ee Taariikhda inta la Xasuusto ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or waxaana loo bixiyay Yachine Trophy.

 

Alisson ayaa waxaa soo maray Sannad aad u fiican isagoo Champions League la qaaday kooxda Liverpool halka uu xulka dalkiisa Brazil uu la qaaday Copa America.

 

Waxa uu sidoo kale qaaday Abaalmarinta Gacma Gashiga  Premier League madaama uu noqday goolhayihii ugu fiicnaa horyaalka Ingiriiska xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

 

Waa Abaalmarintii labaad ee uu goolhaye Alisson Becker ku guuleysto sannadkan isagoo sidoo kale qaaday abaalmarinta goolhayaha sannadka ee FIFA.

Goolhayaha reer Brazil waxa uu abaalmarinta ka qaaday goolhayaha Barcelona Marc ter-Stegen iyo goolhayaha ay isku wadanka yihiin ee kooxda Manchester City Ederson.

Weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski ayaa lagu sharfay inuu abaalmarinta gudoonsiiyo goolhaye Alisson.

 

Halkan Hoose ka Daawo Warkaas oo Muuqaal ah;

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker