War Laga Soo Saaray Muuqaal laga duubtay Carruur shiishad cabaya
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay gacanta ku soo dhigen haweenay muuqaal ka duubtay carruur ay dhashay oo aad u da’yar, muuqaalkaas oo argagax galiyay bulshada Soomaaliyeed.
Muuqaalka ayaa waxaa kasoo muuqaday labo gabdhood oo aad u da’yar ah oo Shiishad cabaya, waxaana muuqaalka oo arga-gax lahaa ka ag-hadlayay haweenayda oo carruurta siinaysay Maandooriyaha.
Muuqaalka ayaa hadal hayn badan ka dhaliyay dhanka baraha bulshada.
Qoraal uu boggiisa Facebook soo dhigay guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda Gobolka Banaadir Cali yare Cali, ayaa wuxuu ku sheegay inay ku guulaysteen in ay soo qabtaan Haweenayda, kadib howgallo ay sameeyeen.