Ciidamada Itoobiya oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah caasimadda Tigray
Jeneraal ka tirsan ciidamada Itoobiya ayaa sheegay in ciidamadu ay qorsheynayaan in ay gudaha u galaan magaalada Mekelle, ee caasimadda gobalka Tigray.
Jeneral Abebaw Tadesse ayaa sheegay in aysan wax wada xaajood ah la gali doonin fallaagada TPLF ee halkaa ku sugan .
Bishii la soo dhaafay ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku baaqay dib u heshiisiin Qaran.