Maxay Xukuumadda Soomaaliya iyo UK Ay Khadka Teleefoonka Kaga Wada Hadleen ?

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali, ayaa khadka telefoonka wada hadal kula yeeshay Wasiirka Arrimaha Afrika ee Boqortooyada Ingiriiska (UK), Marwo Vicky Ford.

Wadahadalkan dhax maray  ayaa imanaya xili xildhibaano katirsan baarlamaanka UK mooshin lagu aqoonsanayo Somaliland horgeenayaan fadhiga Baarlamaanka si looga doodo.

Waxa kale ay kawada  hadleen  xoojinta iskaashiga ku dhisan wax wada qabsiga, ixtiraamka midnimada iyo madax-baannaanida Qarannimo ee Labad Dal ee Soomaaliya iyo Boqortooyada UK.

Wadahadalka labada Wasiir ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xidhiidhka labo geesoodka ah ee Labada Dowladood iyo horumarinta iskaashiga dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha, horumarinta iyo arrimaha Gobolka Geeska Afrika.

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya   ayaa uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay u fidiso dowladda Soomaaliya iyo garab isaataga.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker