Dantiyo da,yarta somaliland..by abdirashid osman
waxaan dhamaan salaamayaa bulshada somaliland gudo iyo debedba mudanayaal iyo marwooyinba ,waxaan kaloo salaamayaa bahda saxaafada caafimaadka qabta ee isdultaagta mabaadiida saxaafada xortaa,ramadaan mubaarak.
Bulashadu waxay ka koobantahay mujtamac walba qaybo kala duwan oo isugu jira haween,dhalinyaro,iyo dad da,a ama cimriga gabowga ama howlgabka lagu tilmaamo gaadhay,hadaba waxaa bulsho walba ku faantaa oo xoogeeda iyo tamarteedu tahay waa da,yarta ama marxalada dhalinyaro ee mujtamacoodu ka koobanyahay dabcan lama odhan karo taasi inaytahay qiyaasta horumarka ee bulsho gaadho waayo dhalinyaro bilaa aqooni waa hal bacaad lagu lisay uun.
Hadaba bulshada somaliland waxaa lagu qiyaasaa inay da,yar u badantahay ilaa 70% waa la odhan karaa ,dayartaasi waa xooga dalka iyo mustaqbalkiisa waa awood u baahan in laga faaiidaysto oo lajaheeyo laguna abuuro wadaninimo lagana mashquuliyo waxwaloo dhib iyo habow u soo jiidi kara ,waxaase xusid mudan taasi inaanay ku iman uun hadal iyo male balse u baahantahay juhdi ,tacab iyo qorshe ficilkuna waafaqo yadoo ta allena lakaashanayo.
Inbadan waxaan is waydiiyaa xagee dayacu ka jiraa maxaga maamulada wadankee kala danbeeyaa gabay doorkoodii ku aadanaa dhalinta , ma bulshadaa ma dhaqankaa ma dhalinyarada lafteedaa oo yagu howlgab degdegi ku dhacaybaa ,maxaa qaldan? maxay da,yarta dalku wax muuqda u qabsanwayday ?! ma aqoondaraa haysa oo mustawihii tacliintaa hooseeya ,ma awoodarada dhaqaalaa ciishay ? mise maskaxday ka fadhiidyihiin oo fikirkii iyo curuntii baa ka maqan?
intaa iyo suaalo kaloo badan waxaan filayaa inaad ila qabto akhristow madaama oo aynaan haba yaraatee wax midho dhala ka haynin da,yarteenii dalka ,shaki kuma jiro in caqabado badani jiraan oo ka hortaagan horumarka dhalinta iyo higsiga himiladooda hadanase waxay u eegtahay inyaga laftoodu mushkiladaa qayb kayihiin waana ta aan manta qalinka u qaatay ee dareenkan igu dhalisay.
Koonkan illaahay wuxuu u abuuray inuu camiro ibna aadam oo manaafacaadka guudkiisa saran iyo kuwa ku duuganba lasoobaxo kuna tarmo illaahii abuurayna ku caabudo ,horumarkaa aduunka ka jirana marba marxaladbuu kusugnaa oo insaanku kasoo shaqaynayey intii uu illaahay uga sakhirayna kaga faaiidaysanayey gaal iyo muslimba,marbaa laydh jirin ,marbaan koronto jirin marbaa huga la xidhaa caleemo ahaa intaaba manta waa laga soo gudbay oo dayaxaa lagaadhay intuba fikir ,qorshe iyo tacab bay ku timi ay dhayal iyo fadhi kuma iman.
Hadaba waxaan arkaa in dhalinyaradeenu xaga fikirka iyo curinta ka fadhiidtahay yadoo haysa maskax daraya iyo xoog taama hadana waxaa ku dhacay waxaan odhankaro cimri degdeg xaga maskaxdaa taasoo an da,ahayne ay iskood u fadhiisiyeen oo shaqo gab ka dhigeen,waxaan arkaa da,yar hadafkii iyo himiladii ka lunsanyihiin oo ku mashquulsan waxaan sakaaro ka biirsan ,ma arko aragti iyo fikir saliima xataa kuwooda illaahay hibada qayb siiyeyna kama faaiidaystaan ,waxaan arkay da,yar uun u tartamaysa CAAWIYO BANDHIGA BUUGA,CAAWIYO ABWAAN HEBEL, intaa akhristow wax dhaafsan hadaad ila aragtay oo todobaad walba joogataa adaa ii sheegi ,
Guntii iyo gabagabadii waxaan odhanlaa da,yarta dalku dib haysugu noqoto oo maskaxdooda ,aqoontooda iyo xoogoodaba haka faaiido umadana howga faaiidayso.
abdirashid Osman
abdirashidsmn@yahoo.com
00971506972985
Dubai