GABIILEY AGTEEDI AYU SII SOCDA OO MADAXTOOYO KA DHISANAYA WAXAANU INA LEEYAHAY HORA LO SOCONAYA !!!!
Sheekadi Juxa
Maalin isago geed laan ka gooynaya oo Ku fadhiya laanti kana garaacaya ama ka gooynaya halkey geedka kaga taaley, aya nin so marey ninki wuxuu arkey ninka laanti uu Ku fadhiyay xagey geedka kaga taaley ka jaraaya markasu u sheegay waar waad so dhacaysa hadad halka ka jartid laanta, Juxa ninki intu eegay oo la yaabey ayu shaqadiisi iska sii watey laantina wuu jarey isna dhulka ayu Ku so dhacay dhib xoog badana oo dhawaac Iyo jugagina way soo gadhen, ka dib ninkii ayu ka daba caraarey juxe isagoo ka daba qaaylibaaya, ayu ninki dib so eegay juxana wuu so gadhey.
Juxe ninki marki uu so gadhey wuxuu ninki ka dalbadey inu u sheego goorta uu dhimanaayo juxana sida cadaada u aheeyd wuxu saxiib la aha dameerkisa , ka dib ninki aya arkey in ninkan ay bes ka tahay markaasu ninki intu sidaas u eegay ayu Ku yidhi marka uu dameer kagu ciyo ayad dhimabeeysa! Dabadeed juxa wu iska so noqdey.
Maalinti danbe aya dameerki ciyay Juxa oo kafantu u diyaar ahaayd ay is kanfay sidiii meeydka waxaanu jiifsadey geed wado Ku yaaley hadhkiisa. Wadadii ayu nin anbadi so marey ninki aya arkey ninkan meesha jifa waxa cadna dusha ka saran yihiin markasa ninki wuxu waydiyay magaalo wadada lo maro Juxana wuxuu yidhi barigan ifka joogey waxa lo mari jiray wadadaa isago jiifa ninki aya yaabey oo iska dhaafey
Kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk
Sheekadan waxaynu ka faa’iidney Xigmad waxa lagula baxaayo taaso ah In muse bixi laanti uu Ku fadhiyay halkey geedka kaga taaley garaacayo markaad eegto S/land hàlkey Mareyso qof kasta oo muwaadin ah Caloosha aya Xanuuneysa.
Muse bixi wa ninka Gabiiley agteedi madaxtooyada ka dhisanaya we Sii socda, Cidamadii aynu Ku faani jireyna weeynu ognahay, Hareerihi S/Landna Xaalkoda weynu ognahay, Bartamahii S/Landna waxa ka jira weynu ognahay Waxaanu ina leeyahay HORA LO SOCONAYA.
Alla mahadleh
Qalinkii. Khadar Kaariye.
kaariyecune@gmail.com