Xisbiga Waddani Oo U Jawaabay Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Buuni.
“Buuni tacabka qaranka la geliyay sheeko ayuu ku hayaa, wuxuu Xoghayn u ahaa Madaxweynihii Soomaaliya Xasan sheekh Maxamuud Xaaskiisa oo uu kala shaqaynaayay mashruuc agoomaha Shabeelooyinka oo musuq badani ka dhacay, muddo kadibna waxa lagu eedeeyay xarakada shabaab isagoo madaxsii la saaray lacag, Boorama baxsashuu ku yimi, maantadaa la joogo eediisu waa mid caalamiya oo furan, wallahi wajaale ma dhaafi karo, ujeedada u weyn ee uu siyaasadda u soo galay waa in uu dhufays ka dhigto oo uu kaga badbaado eedda dul taal. waqtigan Halgankee looga sheekeyayna wuxuu Joogay Raaso.”
Xoghayaha Arrimaha Bulshada xisbiga WADDANI Md Maxamed Sidiiq Dhamme