Hogaanka Xisbiga Waddani Oo Kulan balaadhan la qaatay madax-dhaqameedka Bariga Burco.
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa maanta kulan balaadhan oo hadhimo-sharafeed ah la qaatay madax-dhaqameedka, haldoorka iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaannada Bariga Burco.
Munaasibaddan oo ka qabsoontay hotelka Plaza ee magaalada Burco waxa ka soo qayb galay madax-dhaqameed miisaan leh, waxgarad, odayaal, dhallinyaro iyo Weftiga Xisbiga WADDANI oo isugu jira Hoggaanka sare, xoghayeyaal, xildhibaanno iyo saraakiil kale.
Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka waxay si qoto-dheer isaga xog waraysteen madaxda Xisbiga WADDANI xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Madaxda dhaqanka ee munaasibadda ka hadashay ayaa si buuxda taageero ugu muujiyay Musharraxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.
Sida oo kalena madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si waafi ah uga mahadceliyay taageerada iyo soo dhawaynta haldoorka iyo madax dhaqameedka, islamarkaana u sheegay in ay ka shaqayn doonaan wada jirka iyo horumarka Somaliland haddii Xisbiga WADDANI talada ku guulaysto sanadka 2022.