Madaxweyne Trump Oo U Saxeexay Yuhuuda Israel Lahaanshiyaha Buuraha Golan Oo Ahaa Dhul Ay leedahay Suuriya
Madaxweynaha Dalka Mareykanka Donald John Trump ayaa xalay u saxeexay lahaanshiyaha Yuhuuda Israel ee buuraleyda Golan ay yeehaan, iyadoo uu isbarbar taagan yihiin ra’iusl wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu.
Donald Trump oo ka hadlaya saxiixaas kadib ayaa sheegay in arrintan la qorsheynayey in muddo ah, dhankiisa waxaa uu Netanyahu u tilmaamay mid taariikhi ah.
Golan waa dhul ay leedahay Suuriya, waxaa ay cadawga yuhuudu ka qabsadeen carabta dagaalkii June 5, 1967, waxaana lagu qiyaasay 1,800 km².
Todobaadkan, Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalal ka aamusay masiirka Golan, iyada oo ka hortimid go’aanka Carabta iyo dalalka Islaamka.