Mareykanka oo Kenya kala hadlay khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya

 Xoghayaha arrimaha dibedda ee dalka Mareykanka, Antony Blinken ayaamadaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta kala hadlay arrimaha amniga ee Geeska Afrikaa oo ay kamid yihiin xaaladaha dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Antony Blinken wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay sidii madaxda dowladda federaalka iyo maamul goboleedayada ay si deg deg ah ugu soo afjari lahaayeen doorashada.

Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka wadahadleen sidii Soomaaliya looga qaban lahaa “doorasho xor ah”

Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka wuxuu xusay in isaga iyo Uhuru ay ka wadahadleen sidii dhinacayada isku hayo siyaasadda Soomaaliya ay uga hortaggi lahaayeen tallaabooyinka iyo qoraallada horseedi kara xiisadda.

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Maxamad Xuseen Rooble ayaa goor sii horeysay taleefanka kula hadlay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka u qaabilsan Afrika Molly Phee, iyagoo ka wadahadlay xaaladda siyaasadeed, tan amni iyo arimaha doorashooyinka ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ee uu muddo xileedkiisu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhawaan sheegay inuu Ra’iisawasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo hormuud u ahaa howlaha doorashada uu shaqada ka joojiyey kaddib markii uu soo galay “tuhun Musuqmaasuq iyo ku Takrifal Awoodeed.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker